Sunday, June 22, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Weerarka ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas culus iyo qaraxyo saaka ka dhacay Xarunta Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xabsiga oo si weyn loo ilaaaliyo ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu dagaal ka dhex bilowday gudaha Xabsiga, kadib markii sida la sheegay maxaabiis ku xiran xabsiga oo helay hub ay rasaas ku bilaabeen ciidamada ilaalada Xabsiga.

Maxaabiista oo lagu tuhunsan yahay Shabaabnimo ayaa adeegsaday rasaas iyo Bambooyin, waxaana muddo xabsiga ka socday dagaal culus, iyadoo ciidamo hor leh la geeyay xabsiga si ay kooxdaas ula dagaalamaan.

Ad

Rasaas aan badneyn ayaa laga maqlayaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, mana cad in weerarka lasoo afjaray iyo in kale, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga.

Wararka aya sheegaya in Xabsiga Dhexe weli laga maqlayo rasaas, iyadoo tirada dhimashada hordhaca ah ee las oo weriyay ay gaareyso 4 qof oo ay ku jiraan maxaabiista dagaalka bilowday.

Xubno Alshabaab ay oo ku xiran Xabsiga ayaa sidan oo kale dagaal culus ka riday xabsiga markii hub iyo rasaas badan loo geeyay gudaha Xabsiga Bishii Ogost ee 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON