Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Weerarka lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Iiraan ee Tehraan [Sawirro]

Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka dabley hubeysan ku qaaday xarunta baarlamaanka dalak Iiraan ee magaalada Tehran ayaa sheegaya in weerarku weli socdo.

Weerarka ayaa la sheegayu inay Baarlamaanka dalka Iiran ee magaalada Tehran ku qaadeen afar dabley ah, iyadoo sidoo kale la weerary Qabriga Aayatullaah Khumeyni.

Mid ka mida dableyda weerarka ku qaaday xarunta baarlamaanka Iiraan ayaa la sheegay inuu isku dhex qarxiyay dabaqa afraad ee dhismaha Baarlamaanka, sida ay soo werisay warbaahinta dalka Iiraan.

Qasaaraha weerarka lagu qaaday Baarlamaanka ayaa gaaraya 2 dhimasho ah iyo 10 dhaawac ah, waxaana la arkayay dabley ka mida kuwa weerarka wada oo ka muuqda dhismaha Baarlamaanka.

Waxaa socda xaaladda ka dhalatay weerarkan iyadoo weli rasaas la maqlayo iyadoo aanay weli dhammaan howlgalka ciidamada dalka Iiraan ay ka wadaan Xarunta Baarlamaanka.

 

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON