Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan sidii uu u dhacay Afgembigii dhicisoobay ee dalka Turkiga habeenkii Jimacaha,
waxayka kooxda ciidamada ka tirsan ee Inqilaabka dhigay ay ku sigteen inay dilaan Ra’iisal wasaaraha Turkihga Binali Yelderim iyo waliba inay soo ridaan diyaaradii uu la socday madaxweyne Ordogan.
Sida warbixintu sheegeyso Madaxweynaha Turkiga ayaa wax yar ka dib markii inqilaabku dhacay diyaaradiisii kasoo raacay degaanka Marmaris oo ah meel loo dalxiis tago isagoo u soo jiheystay garoonka magaalada Istanbuul oo markaas ay gacanta ku hayeen askarta inqilaabka sameysay.
Arrinta dhacday waxay ahayd in laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ee F -16 oo ay wateen askrta inqilaanka dhigtay ay hawada ku jireen oo ay arkayeen diyaaradda uu la socdo Ordogan isla markaana aanay wax rasaas ah ku ridin, taasoo keeni lahayd in diyaradda ay dhacdo halkaasina uu ku dhinto madaxweyne Ordogan.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta ay taasi u dhici weyday, taasoo keentay in mucaaradka Ordogan ay ku eedeeyaan inuu isagu abaabulay afgembiga. Saraakiil Turkiga ah ayaa laga soo xigtay in diyaarada Ordogan ay dhibaatooyin kala kulantay hawadda. Ordogan ayaa laftiisa sheegay in halkii uu ku sugnaa ee degaanka Marmaris la duqeeyay markii uu ka dhoofay kadib, waxaana muuqata inuu daqiiqado yar uga badbaaday geeri xaqiiqo ahayd.
Telefishanka CNN TURK ayaa iska sheegay in 25 askari ay weerar ku qaadeen goobtii uu ku sugnaa madaxweyne Ordogan ee Marmaris oo ay rasaas ku fureen, taasoo ahayd qorshe lagu khaarijin lahaa. Waxaana la sheegay haddii arrintaasi dhici lahayd in Turkiga uu ka qarxi lahaa dagaal sokeeye.
Qisada kale ee la yaabka leh waxay iyaduna ahayd Ra’iisal wasaaraha Turkiga oo isna si la yaab leh ku badbaaday, sida uu sheegay mas’uul Turki ah. Arrintan ayaa dhacday markii ciidamada inqilaabka dhigay ay rasaas ku fureen isla markaana duqeeyeen xaruntii uu ku sugnaa Ra’iisal wasaare Binali Yelderim, laakiin uu ka badbaaday.
Ciidamada Inqilaabka dhigay waxay duqeeyeen dhismaha Baarlamaanka dalkaasi, xarunta Sirdoonka iyo xarumo kale; waxay qabsadeen Garoonka Istanbuul, Buundada weyn ee magaaladaasi, iyagoo magaalooyinka waaaweyn diyaaradaha dagaalka joog hoose ku duulay.
Waxaa diyaar u ahaa diyaaro fara badan iyo 15 duuliye oo fulinayay amarka saraakiisha dhigtay inqilaabka, waxayna ka howlgalayaan ilaa 3 ka mida saldhigyada ciidamada cirka ee dalkaasi. Waxaa afgembiga ku lug yeeshay saraakiil sare oo 3 jeneraal ka mid yihiin iyo taliyeyaal ka badan 13 kale.
Goobjooge.com