Xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Galmudug ayaa cirka isku shareertay kadib markii xildhibaano ka tirsan ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen madaxweyne C/kariin Guuleed.
Xildhibaanadan oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed waxay weli wadaan kacdoonkooda, waxayna ku adkeysanayaan inay dooran doonaan madaxweyne cusub, arrintaas oo aan xilligan suuragal ahayn marka la eego doorashada dalku jiro iyo xaaladda Cadaado oo aan saamaxeynin.
YAA KA DANBEEYA KACDOONKAN?
Kacdooonka xildhibaanada Galmudug waa mid dabiici ah oo ka dhashay lacag la’aan muddo dheer socotay iyadoo madaxweyne C/kariin Guuleed uu noqday gacan adeyg wixii soo galan aanay isagu ka badneyn.
Siyaasiyiin hore ugu kacsanaa C/kariin Guuleed, qaar waayay xilalkii xildhibaan ee Cadaado iyo siyaasiin ka mid dowladda Federaalka ayaa iska kaashaday kicinta xiisadan oo deminteeda ay sii adkaaneyso, waxaana uga sii daray qamaarkii siyaasadeed ee ciyaaray Madaxweynaha Galmudug markii uu isbaheysi doorasho la galay Shariif Xasan, balse uu ka baxay xilli danbe.
Siyaasiyiinta ka dhex muuqda kicinta xiisadda Galmudug waxaa ugu horeeya ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo isagu caddeystay isla markaana taageeray waxa ka socda magaalada Cadaado, waxaase badan siyaasiyiinta qarsoon ee aan is shaacin.
Siyaasi ahaan C/kariin Guuleed wuxuu ku fashilmay isku heynta iyo hogaanka Galmudug, isagoo awoodi waayay inuu xitaa isku hayo hogaanka Baarlamaanka Galmudug, taasoo muujineysa xitaa haddii uu kacdoonkan ka badbaado inuu yahay shaqsi aan la jaanqaadi karin xaaladda dalka.
YAA TAAGEERSAN C/KARIIN GUULEED?
Madaxweynaha Galmudug wuxuu taageero ka helay madaxdii Madasha Qaran marka laga reebo Guddoomiye Jawaari, wuxuu kaloo taageero ka heystaa ciidamada nabadsugidda Cadaado, inta badan ee xubaha labada gole ugu jira Galmudug iyo madaxda maamulkaasi marka laga reebo qeyb yar oo ka mida wasiirada Galmudug.
Beesha Caalamka waxay muujisay inay dhexdhexaad ka tahay xaaladda ka taagan Galmduug, ayna u darran tahay in nabadgelyo darro iyo gacan-ka-hadal ay ka dhacdo Galmudug.
GABAGABO
Haddii kacdoonkan ku soo aadi lahaa xilli aan ahayn xaaladan oo lagu jiro doorashada Soomaaliya waxaa shaki la’aan daaqada laga tuuri lahaa C/kariin Guuleed isla markaana soo gabagaboobi lahaa hogaankiisa Galmudug, haddii uu badbaadana waxay noqon doontaa in Galmudug ay u baahato hogaan cusub.
Goobjooge.com