Tuesday, June 24, 2025

Warbixin ku saabsan degaanada Alshabaab ka qabsadeen Puntland & Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Mudug & Nugaal

Ciidamadii Alshabab ee shalay gaaray degaanka Garacad ee degmada Jariiban ayaa ku sii faafaya Gobolka Nugaal, iyagoo durba gaaray degaano ka tirsan  degmada Eyl, waxaana laga cabsi qabaa inay degdeg ugu fidaan dhul balaaran oo xeebaha Puntland ku teedsan xilli ay xaalad degdeg gashay Puntland.

Degaanka Godobjiiraan ee Gobalka Nugaal ayaa qarka u saaran inay gebi ahaan la wareegaan ciidamada habqanka ah ee Alshabaab ku daabusha xeebaha Puntland, waxaana saaka ay ciidamadaasi gaareen degaanka Kulub.

Qeylo dhaan uu maamulka Puntland u diray Gudoomiyaha Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayuu ku sheegay in maleeshiyo fara badan oo Alshabaab ah ay ku soo wajahan yihiin degaankiisa, wuxuna codsaday in ciidamo gurmad ah loo diro halkaasi inta ay u gacan gelin Alshabaab.

Ilaa iyo hadda waxay ciidama Alshabaab ee weerarka dhinaca badda ah ku qaaday degaanada Puntland qabsadeen Garacad oo saaka ay dib uga gurteen una jiraan 10 KM, degaanada Garmaan iyo Kulub ee Goolka Nugaaleed ee ay saaka qabsadeen, iyo Godob-jiiran oo saacad kasta ay suuragal tahay inay la wareegaan.

Dadka ku nool degaanada  ay qabsadeen Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ay ka muuqato diif xoog leh iyo baahi, waxayna wataan qoryo culus iyo saanad balaaran, meelaha qaarkood waxaa laga soo weriyay inay doonyo ka qaaten ay ku jilaabtaan, waxayna dadka degaanka caddeeyeen inaysan jirin cid ay wax tacadi ah kula kaceen.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada ka mida Alshabaab ee ka anbabxaya Xarardheere ay yihin kuwii ku biiray  Daacish oo doonaya inay galaan Buuraha Golis isla markaana xiriir la sameystaan saaxiibadood ku sugan Buuraha Galgala.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON