Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Haweeney la sheegay inay Sun cabtay oo ay is dishay, taasoo naxdin weyn ka dhalisay xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, Gobolka Banaadir.
Haweeneyday ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Raagge waxayna u geeriyootay Suntii ay Cabtay, waxaan sababta ay isu dishay lagu sheegay in khilaaf qoys uu soo dhex galay ninkeedii hore oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Yabarow, markii ay isku qabsadeen gabar ay u dhashay.
Ehelada Haweenayda sunta cabtay ee is dishay ayaa laga soo xigtay in si xoog ah looga qaatay gabadh ay u dhashay ninka ay kala tageen, iyadoo aad uga careysneyd arrintan ayuu dahcay falka is-dilkeeda.
Warar lagu faafiyey baraaha bulshada ayaa lagu sheegay inay haweeneydan isu dishay iyadoo loo diiday guurka nin ay jecleyd, laakiin xaqiiqda ay noqotay arrin ka dhalatay gabadha laag qaatay.
Xogta ayaa sheegeysa in haweeneydan inta aysan cabin sunta ay weysa-qaadatay, kadibna ay Sslaad tukatay sidaasna ay sunta ku cabtay, arrintaas oo si weyn ay uga naxeen ehelkeeda, iyadoo noqotay arrin kale oo si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho.