Sunday, July 13, 2025

Warbixin ku saabsan howlgalkii Kumaandooska Somalia & Mareykanka ee Basra [Koox Alshabab ah oo la qabtay]

Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa howlgalkii wadajirka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ee kumaandsoodka iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen degaano hoostaga  degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo kamida Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysa oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Deegaano badan oo hoostaga Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaasoo Nabad diidka Al shabaab ay ku dhibaateyn jireen Shacabka.

“Waxaa dadka aan aragnay ee Shacabka ah ay noo sheegeen in Al Shabaab isaga carareen Deegaanada aan hadda gacanta ku heyno, waxaana qorshaheenu yahay in aan ugu tagno meelkasta oo Maleeshiyaadku ka joogaan Balcad iyo Afgooye”ayuu yiri Kabtan Aadan Xasan Cismaan oo Kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska ayaa gacanta ku dhigay 10-ka mid ah Argagaxisada Al shabaab iyo hubkooda markii loogu galay iyagoo hurda goob ay ku dhuumaaleysanayeen sida uu inoo sheegay Abaanduullaha Ciidanka horkacaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON