Tuesday, July 15, 2025

Warbixin laga helay Askarigii Mareykanka ee Lagu dilay Howlgalkii Daarusalaam, Shabeelada Hoose

Saxaafadda Mareykanka ayaa shaacisay faahfaahin ku saabsan askariga Mareykanka ee lagu dilay howlgalkii dhowaan ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose.

Telefishanka ABC ayaa shaaciyay in askariga Mareykanka ee la dilay  uu ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee howlgalladam, kana tirsanaa qeybta Falmouth, kasoo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken oo ahaa 38 sano jir ka yimid Gobolka Maine, wuxuuna kasoo dagaalamay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan isagoo bilado badan ku guuleystay laakiin ku dhintay Soomaaliya.

Waa askarigii ugu horeeyay ee Mareykanka looga dilo gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993. Waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray howlgalka laba askari oo Mareykan ah iyo Soomaali tarjubaan u ahaa ciidamada.

Weerarka ayaa qabsaday ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida oo helikobtar ku degay degaanka Daarusalaam. Ciidamada Soomaalida ayaanay wax qasaare ah kasoo gaarin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON