WARBIXIN: Madaxweyne Farmaajo oo dhexda u galay loolanka Qatar-Turkiga iyo Sacuudiga-Imaaraadka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dhex u gashay loolan adag  iyo diblomaasiyad iska horjeeda oo ka dhalatay xiisadda ka taagan dalalka Khaliijka iyo dalka Qatar.

Mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex taagan dalalka uu hogaaminayaan Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo dalka Qatar ee dhexdhexaadka ahaa ayaa ka farxiyay Qatar, isagoo u cuntami waayay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Arrintan waxay keentay in Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis uu la-taliyihiisa u soo diro magaalada Muqdisho si dowladda Soomaaliya loogu qanciyo inay xiriirka u jarto dalka Qatar, taasoo Sacuudigu ku guuleysan waayay.

Dowladda Qatar ayaa iyaduna wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaasi u soo dirtay Muqdisho si uu uga mahadceliyo dowladda Soomaaliya mowqifkii ay qaadatay, isla markaana u muujiyo taageerada dalkiisu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo saameyn weyn ku leh maamulada iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku riixaya dowladda Madaxweyne Farmaajo inay qaadato go’aan la mida midka Jabuuti.

Imaaraadka ayaa sii kordhiyay cadaadiska uu ku hayo dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu xiriiro la sameeyay maamul Goboleedyada si ay go’aano ka dhan ah kan Muqdisho iyo dowladda Farmaajo u qaataan, taasoo ay bilowday Somaliland.

Xogta ayaa sheegeysa haddii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto mowqifkiisa in Imaaraadka tallaabooyin adag qaadan doono, iyadoo Sacuudiguna joojin doono taageeradii dhaqaale ee uu u balanqaaday Soomaaliya.

Lama oga halka ay xaaladan gaari doonto, laakiin waxaa muuqata in loolanka labada awoodood uu yahay mid saameyn weyn ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana Qatar iyo Turkiga ay wadaan iska caabin, halka ololaha Sacuudiga iyo Imaaraadka sii xoogeysanayo.

Goobjooge