Wednesday, June 25, 2025

Warbixin: Muran Sharciyeed hareeyay Markab loo heysto inuu jaray xarkihii Internetka Muqdisho

Muran dhinaca sharciga ah ayaa ka taagan Markan lagu eedeeyay inuu jaray xarkihii Internetka badda hoosteeda ee magaalada Muqdisho aakhirkii Bishii June 2017.

Markabkan oo lagu magacaabo MSC Alice ayaa loo qabsaday inuu ka danbeeyay xarkaha la jaray ee fibre- Optic, kuwaasoo mara agagaarka Dekeda maalintii Ciida, arrintan oo dhacday habeenkii ciida ee 24 June ayaa la sheegay inuu Markabku taagnaa xeebta Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda maalgelisay xarkaha internet-ka ayaa Markabkan ku eedeeyay jaridda xarkaha, waxaana shirkadda leh Markabka ee MSC Alice oo ah shirkad caan ah, kana mida kuwa ugu waaweyn dunida ay codsatay in caddeyn la siiyo si ay magdhow u bixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay Markabka iyadoo caddeyn waafi ah loo waayay in lagu eedeeyo markabka, waxayna MSC Alice codsatay in markabka loo fasaxo si uu shaqadiisa u wato, wixii ka soo baxa baaritaankana ay diyaar u tahay, taasoo ay mar kale diideen dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Internet-ka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in magdhaw laga rabo shirkadii dhibaatadan geystay. Wuxuu intaas ku daray inay jawaab ka sugayaan Shirkadda Markanbka leh.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON