Tuesday, June 24, 2025

WARBIXIN: Musharax Qorshe la-yaab leh ku joojiyay Doorasho looga guuleysan lahaa

Kursi ka mida kuwii ugu adkaa ee lagu waday inay ku loolamaan musharixiin caan ah ayaa dib u dhacay arrimo lagu sheegay muran ka dhashay ergada.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Guddiga Dooraashada heer Gobol ee Hirshabeelle ay hakiyeen kursigii Beesha Warsangeli/Harti Abgaa loo ay ku loolamayeen Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali iyo Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus oo ah mida agaasimaha canshuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

saabey-cosoble

Xogta laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Musharax Muxiyadiin Juris ergadii taageersaneyd uu baajiyay, ayna kasoo xaadiri waayeen xarunta doorashada, kadib markii uu arkay in laga tiro badan yahay oo laga guuleysanayo haddii ay doorashada ka qeyb galaan.

Arrintan ayaa keentay inay Guddiga Doorashada dib u dhigaan doorashada kursiga, oo looga baahan yahay  in ugu yaraan ay xaadir yihiin ilaa 40 ergo, waana tan keentay in la baajiyo tartanka loo geli lahaa kursiga.

Olole lacag badan lagu kala qaatay ayaa dhex maray ergada kursigan iyo labada musharax, wuxuuna kursigan dhigi doonaa rikoor cusub oo ah lacagaha lagu bixiyo kuraasta aqalka hoose oo hadda uu heysto Kursigii Beesha Disow ee looga adkaaday Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti).

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON