Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta duhurnimadii ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Somalia.
Qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, halka 5 kale ay ku dhaawacmeen kadib markii madaafiicdaasi ku dhaceen meelo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dadka dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ay yihiin dad shacab ah.
Guddoomiyaha Wardhiigley ayaa sheegay in qofka dhintay uu ahaa ilmo yar oo 5 sano jir ah oo uu haleelay mid kamida hoobiyeyaasha.
Kooxda Alshabaab ayaa hore uga fulisay weeraro noocan oo kale ah, waxaana ay ku soo beegeen iyadoo uu maanta Muqdisho ka furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.
Goobjooge.com