Waxaa si weyn sare ugu kacay qasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqidsho ee lala beegsaday Hotelka Saxafi.Qaraxyada oo ahaa saddex qarax oo daqiiqado yar iska danbeeyay ayaa dhaliyey qasaaraha ugu badab, iyadoo goobtu ahayd meel ay dadku ku badan yihiin, dadka dhintay ayaa u badan shacab uu qaraxu haleelay.
Tirada dhimashada ayaa saaka gaartay 30, waxaana dhaawacyada ay sareu dhaafeen 100, iyadoo tirada la diiwaan geliyay ay gaareyso 106 dhaawac oo la kala dhigay Isbitaallada Muqdisho.
Isbitaalka Digfeer waxaa la dhigay 42 dhaawac ah. Isbitaalka Daauru Shifa waxaa la geeyay 26 dhaawac ah. Isbitaalka Madiina ayaa isna la dhigay 24 dhawac. sidoo kale isbitaallo kala duwan ayaa la dhigay 14 dhaawacay oo uu ka mid yahay isbitaalka
Somali Sudanes oo 11 dhaawac ah la geeyay.