Shirkii dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah, oo ka socday magaaladda Muqdisho ayaa arirmo muhiim ah looga hadlay.
Arrmaha ugu muhiimsan ee lagaga hadlayay maanta waxaa kamid ahaa Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, xasilinta amniga dalka iyo shirka London oo dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska oo looga hadalayo horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.
Madaxwayne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ayaa shirk furay, waxaana kadib guddoomiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaankii shirka ka sheegay in looa wada hadlayo sugidda amniga qaranka, wuxuu madaxwayne Farmaajo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato hagista hawlaha ammaanka dalka.
Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duuban yihiin.
Furitaankii shirka ka hor, waxaa shir gaar ah xarunta madaxtooyada ku yeeshay madaxweynaha Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamulgoboleedyada, shirkan oo faahfaahin laga bixin ayaa la sheegay in looga dooday ajendaha shirka labada maalmood soconaya.
Shirkan oo berri la soo gabagabayno waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha barlamaanka, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamul goboleedyadad Jubaland, Koofur Galbeed, Galmudgu iyo Hirshabelle.
SAWIRRO