Thursday, June 26, 2025

Warbixinta Itoobiya: Xidhibaanada cusub ma waxaa soo galay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab..?

Iyadoo ay weli socoto dooda ka dhalatay warbixinta ay xaaladda Soomaaliya iyo Doorashooyinka ka qortay hay’adda Itoobiyaanka ah ee Center for Dialogue, Reaserch & Cooperation CDRC ayaa waxaa sii kordhaya cambaareynta qoraalkaasi.

Warbixinta waxaa ku jiray in Baarlamaanka cusub uu intiisa badan ka kooban yahay siyaasiyiin dhalinyat oo qurbejoog ah, xubno raacsan kooxda Damjadiid iyo kooxo taageersan Alshabaab iyo kooxo kale.

Arrintan waxaa ka hor yimid qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay inay tahay gef weyn in xildhibaanada qaarkood Alshabaab lagu xagliyo sida uu qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Warbixin loogu magac-daray ” Jahwareerka ku hareeraysan waqtiga kala-guurka Soomaaliya” oo ay soo saartay bishan Janaayo 2017 hey’ad cilmi baaris oo laga leeyahay dalka Itoobiya (Center for Dialogue, Reaserch & Cooperation CDRC), si hal dhinacna ay uga hadleen arimaha la xiriira doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, ayaa lagu qoray hadal la yaab leh; kaasoo u qornaa sidatan “The Parliament of Somalia is mainly composed of young politicians associated with the diaspora, Damul Jadiid (New Blood) affiliated Ministers who see challenges to their future reappointment, and sympathizers of AlShabaab and other groups”. Inta kale waaba loo qaateene, xubno Alshabaab u janjeera dhankooda ayaa ku jira waa gef weyn iyo gardarro u baahan in xildhibaanada qaranku iyo aqoonyahankuba ka dhiidhiyaan…

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON