Monday, July 14, 2025

Warbixintii Robert Muller ee baaritaanka ololihii Trump oo arrimo cusub lagu ogaaday. [Akhriso]

Warbixinta Guddiga madaxa banaan ee uu madaxda ka ahaa Robert Mueller ee baaritaanka faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016 iyo xiriirkii kooxda ololaha Donald Trump.

Warbixinta oo qeybo ka mida la qariyey, kana kooban 448 bog ayaa la daabacay, waxaana waxaana ku dhex tallaabooyin uu qaaday madaxweyne Trump, isagoo markii la magacaabay Guddiga uu madaxda u yahay Robert Muller laga soo xigtay inuu yiri: “Waa u dhammaaday xilka madaxweyne…”, wuxuuna isku dayey inuu xilka ka qaado Muller, laakiin waxaa ka hor yimid la-taliyeyaashiisa.

Warbixinta ayaa sheegtay in Trump aysan u suuragelin inuu si toos ah cadaaladda uga horyimaado, taasoo ay ugu wacneyd dadka la-taliya iyo mas’uuliyiinta aqalka cad oo ka diiday, laakiin waxay warbixinta awoodi weysay inay denbi ku soo oogto Trumpm laakiin waxay arrintaasi u deysay koongareeska oo awood u leh inuu baaritaanka sii wado.

Warbixinta Muller ayaa dhalisay dood weyn oo ku saabsan hab-dhaqanka madaxweyne Trump oo mar waliba ahaa mid shaki leh, taasoo xisbiga dimoqraadiga ku qaadeysa inay qaadaan olole kale oo Trump lagu baarayo.

Madaxweyne Trump ayaa daqiiqado ka hor inta aan la shaacin warbixinta wuxuu inay dhammaaday khiyaanadii ugu weyneyd ee siyasaadeed, wuxuuna farriimo uu soo diray ku sheegay in ‘ciyaartii dhammaatay’.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON