Monday, July 14, 2025

Warbxin ku saabsan Miinooyin lagu diyaarinayay Guri ku yaalla Muqdisho oo qarxay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Guri ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaasoo qasaare dhaliyay.

Qaraxa oo la xaqiijiyay in guriga lagu dhex diyaarinayay ayaa waxaa ku dhinay ninkii waday oo ka yimid Gobolka Shabeellada Hoose iyo canug  yar, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale, halka uu waxyeelo gaaresiiyay guriga.

Ninka dhintay ee la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay qaraxa ayaa bambooyin iyo aaladaha qaraxyada ku soo dhex qariyay Jawaanno Galley ku jirto oo laga keenay degmada Qoryooley, iyadoo la tuhunsan yahay inuu ninkan ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Dadkii dhaawaca ku noqday qaraxa ayaa la geeyay goob caafimaad oo xaafadda ku taalla iyadoo haweeney baxsatay oo guriga ku sugneyd la raadinayo, taasoo la rumeysan yahay inay wax ka ogeyd qaraxa, ayna ahayd xaaska ninka dhintay ee qaraxa waday.

 

Qaraxan oo si weyn loo hadal hayo ayay hay’adaha ammaanka sheegeen inuu raadkiisa ka yimid Gobolka Shabeelada Hoose, waxayna la wareegeen guriga uu ka dhacay, inkastoo la waayay dadkii guriga ku sugnaa.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON