Qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aan la yaab leh ka qaadatay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada ayaa muddooyinkii danbe ka gaabsatay inay wax war ah kasoo saarto qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ama tacsi u dirto dadka ku dhinta qaraxyada iyo madaafiicda maalinlaha noqday ee caasimadda ka dhaca.
Bilowgii hore ayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo muujiyay debecsanaan ku saabsan dadka ku waxyeelooba qaraxyada Alshabaab, waxaana uu isbtilaallada ku booqday xillli habeen ah dadkii ku dhaawacmay qarixii Suuqa Kaawo-Godey ee degmada Wadajir 19-kii Febraayo 2017.
Wuxuu kaloo Farmaajo balanqaaday inuu dib u dhisayo dhismooyinka ay qaraxyada ku burburiyaan Alshabaab, isagoo warbaahinta dowladda ka sheegay inay dhaqaale siiyeen guri ku dhow madaxtooyada oo madfac ku dhacay maalintii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo.
Arrimahan si degdeg ah ayay isu bedeleen, isla markii uu madaxweyne Farmaajo la wareegay xilka, iyadoo aan war ah ama cambaareyn ah laga soo saarin weerarkii madaafiic ee isla maalintaasi dhacay, waxaana markaas kadib laga waayay Madaxtooyada inay ka hadasho qaraxyada iyo madaafiicda dhaca cida kastoo wax ku noqota.
Taas bedelkeed madaxweyne Farmaajo wuxuu tacsi u diraa dalalka dunida ee qaraxyada argagixiso ka dhacaan, waxaana bogagga rasmiga ah ee Farmaajo iyo Villa Somalia lagu qoray farriimo tacsi iyo cambaareyn oo lagu garab istaagayo dallka Faransiiska iyo Ruushka oo weeraro kooban ka dhaceen.
Goobjooge.com