Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa 24 saacadood kadib war kasoo saartay weerarkii madaafiicda ee shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi oo lagu dhaawacay laba ka mida shaqaalaha UN-ka iyo qof qandaraasle ahaa, waxayna wasaaraddu qoraalkeeda ku sheegtay inay ka xun tahay falkii foosha xumaa ee ururada argagxisada ay hoobiyeyaasha ku tuureen xarunta Xalane.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA