Monday, June 23, 2025

Wasaaradda Amniga oo Ciidamo gaaraya 3000 u diyaarisay Amniga Degmooyinka G/Banaadir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe sugida amniga caasimadda Muqdisho laga bilaabayo degmooyinka G/Banaadir, iyadoo loo diyaariyey 3000 oo ciidan oo ka tirsan Booliiska Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka hadlay xaflad ay ka qeyb galeen madaxda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyasha Saldhigga Booliska oo lagu soo bandhigay ciidamaada gaaraya 3000kun ayaasheegay in uu jiri doono isla xisabtan ku saabsan amniga caasimadda.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray  in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doobo Amniga Caasimadda, ayna iska kaasan doonaan Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo la doonayo isbedel laga daraamo xaaladda amniga caasimadda.

Ad

Xaaladda Muqdisho ayaa muddooyinkii danbe ahayd mid kasii dareysa markii falalkii dilalka iyo qaraxyada ay ku soo kordheen burcad hubeysan oo dhac ka geysanaya xaafadaha Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON