Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay saarkal ka tirsanaa ciidamada Booliska, kadib markii uu fal xadgudub ah kula kacay xaaskiisa hore.
Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in sarkaalka la xiray laga soo qabtay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo wasaaradu sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xadgudubka loo geysto dadka shacabka ah.
“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda oo aan faahfaahin kale ka bizin sarkaalka falka uu sameeyay iyo magaciisa.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la xiray lagu magacaabo Yuusuf Xundubey, kaasoo la sheegay in isagoo xiran dharka ciidamada Booliska uu meel dad badan joogeen ku garaacay xaaskiisii hore .