Wednesday, July 16, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo beenisay inay ka hor timid heshiiska Puntland & Shirkadda Shiinaha ee CCECC. (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inay ka hor timid heshiis dhex maray maamulka Puntland iyo shirkad shiinees ah oo labada dhinac ay kala saxiixdeen, kadib booqashada uu madaxweynaha Puntland ku joogo dalka Shiinaha.

Qoraal lagu faadiyey baraha bulshada oo wasaaradda arrimaha dibadda Somalia kasoo baxay ayaa lagu qoray in Dowladda Federaalka Somalia ay cabasho ka tahay heshiiska dhex maray Maamulka Puntland iyo Ganacsato ka socda Sharikadda CCECC, balse waxaa arrintaasi beenisay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda, waxayna warqadaasi ku socotay safaaradda China ee magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA LA BEENIYAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON