Tuesday, July 1, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo eedeyn culus u jeedisay Kenya. (Waxay dooneysaa inay qeyb ka mida Somaliya..)

War saxaafadeed caawa kasoo baxay Wasaarada dibadada Soomaaliya yaa lagu eedeyeyay dowladda Kenya inay soo abaabushay maleeshiyo ay hubeysay oo weerar kusoo qaaday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA (Faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya January 25, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON