Friday, June 27, 2025

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo shaacisay Arrimihii loogu yeeray Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya [Sawirro]

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay  arrimihii ay kala hadashay safiirka dalka Imaaraadka carabta oo shalay looga yeeray xarunta wasaaradaasi ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga C/qaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxyna ka wadahadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing

Image may contain: 1 person, sitting and hat

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON