Friday, June 27, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u jawaabay Shariif Sheekh Axmed [Akhriso]

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa  u jawaabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ee dowladda ka qaadatay xiisada khaliijka ku tilmaamay mid lagu degdegay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/qaadir Xaaji Axmed Kheyr ayaa sheegay in markii la qaadanayay go’aankaas dhinac walba laga eegay, isla markaana uu ahaa mid laga fiirsaday oo aan lagu degdegin, isla markaana laga talo geliyay dhinacyo fara badan.

“Marka aad qaadaneysid go’aan siyaasadda Arrimaha dibadda quseeya waa inaad dhinac waliba ka fiirisaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha markii ay go’aankan qaadanayeen kuma degdegin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo wareysi siiyay BBC-da.

Wuxaa sheegay in go’aanka dowladda wadatashi lagala sameeyay khubaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada, wuxuuna meesha ka saaray in Soomaaliya la yiraahdo go’aankan gaara ama waa naga soo horjeedaan.

Wuxuu sheegay go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadatay inuusan ahayn mid dowlad kale looga soo horjeedo,  laakiin la qaatay go’aan dan u ah umadda, sharafta iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku degdegtay go’aanka ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, isla markaana aysan ku jirin danta dalka, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON