Thursday, April 25, 2024

KASHIFAAD: Muxuu Madaxweyne Farmaajo uga baaqday Shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay..?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirka 72aad ee Golaha Guud ee Q/Midoobay, ee sanadkan 2017 ka dhacaya xarunta New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay sanad waliba isku arkaan khudbadana ka jeediyaan madaxda caalamka, ayaa waxaa Soomaaliya mar waliba uga qeyb geli jiray madaxweynayaasha dalka, marka laga reebo xaalado kooban oo gaara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka u diray Ra’iisal wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre oo halkaasi ka jeediyay khudbadii Soomaaliya ku lahayd shirka, waxaana dad badan is weydiiyeen sababta madaxweynaha uga baaqday shirka ugu weyn ee madaxda dunida isku muujiso, iyadoo ay weliba ahayd sanadkii ugu horeeyay ee uu kursiga ku yimid doorasho uu si la yaab leh ugu guuleystay.

Ad
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

Xaaladii ka dhalatay kiiskii Sarkaalkii ONLF ee C/kariin Qalbi dhagax oo gilgishay Villa Somalia ayaa noqotay arrinta ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo ku qancisay inuusan kasoo kasoo muuqan fagaaraha ugu weyn ee dunida.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa garabka u ritay inuu noqdo mas’uulka qaata wixii ka yimaada go’aanka muranka dhaliyay ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay C/rashiid Qalbi dhagax inay ku wareejiso Itoobiya, iyadoo madaxweyne Farmaajo lagu koobay madaxtooyada iyadoo aanu wax lug ah ku yeelan xaaladan, taasoo ah heshiis hoose oo madaxda saaxiibada ah ay wada galeen.

 

- Advertisement -

Inkastoo xiisadda ka dhalatay arrintan Qalbi dhagax ay si weyn hoos ugu dhacday, waxaa haddana la qiyaasayaa inay dhaawac weyn gaarsiisay shacbiyadii baraha bulshada ka dhalatay 8-dii Febraayo, tiiyoo weli go’aanka arrintaasilaga sugayo Baarlamaanka Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON