Wasaaradda Arrimaah Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa dood ka furtay nooca uu noqonayo maqaama ay yeelaneyso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib aqoon is-weydaarsigaan ay soo qabanqaabisay oo lagu soo bandhigay nidaamyada ay ku dhisan yihiin caasimadaha dalalka qaatay nidaamka federaalka ah ee dunida.
Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji ayaa sharxay nidaamyada kala duwan ee lagu maamulo caasimadaha federaalka waxa uu sheegay iney jiraan saddex maqaam oo kala ah: degmo caasimad federal ah sida magaalada Washintong ee dalka Mareykanka; magaalo caasimad u ah dowlad goboleed iyo dowladda federaalka sida caasimada Jarmalka ee Berlin; iyo magaalo ku dhex taala dowlad goboleed oo ah Ottoawa Canada.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Maxamuud oo xiray Aqoon is-weydaarsiga kooban iyod dooda arrinta maqaamka caasimadda ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga barto nidaamka ay ku dhisan yihiin caasimadaha wadamada federaalka ah ee dunida.
wuxuu sheegay inay sii wadayaan wadatashiyada iyo aqoon isweydaarsiyada ceynkani ah si loogu diyaar garoobo sameynta maqaamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaala Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya.
Maqaamka Muqdisho oo baarlamaankii Sagaalaad aanu waxba ka qaban ayaa hadda hor taalla Baarlamaanka 10-aad iyadoo sharci gaara ay tahay in laga soo saaro, waxaana muuqata in maqaamka Muqdisho ka culus yahay seminaaro la qabto.