Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo sii wada magacaabida xowliga ku socota ee agaasimeyaasha wasaaradaha ayaa agaasime cusub u magaaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa Saciid Cabdullaahi Calasow loogu magacabaay agaasimaha KMG ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Agaasimaha la magacabay ayaa xilka sii hayey muddo dhowr bilood ah, waxayna wasaaradu jahawareer dhinaca maamulka ah gashay markii la riday xukuumadii hore ee Xasan Cali Kheyre.
Magacaabista xilalka, siiba agaasimeyaasha guud ahaa xowli ku socda, waxaana xafiiska Rooble uu wadaa xil ka qaadis iyo magacaabisti ugu badneyd xilligan kala guurka ah ee Doorashda loo socdo.

