Monday, July 14, 2025

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo Digniin kasoo saartay Lambaro dibadda kasoo waca dadka (Akhriso)

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay lambaro dibadda ah oo muddooyinkan dambe soo wacaya telefoonada ay heystaan dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Facebooka waxay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha ee ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka, sida ay tiri.

Waxay intaas ku dartay inay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa, waxayna arrintan soo baxday, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayey wicitaannada ka imaanaya dalka Auitria ee ay dadku ku wareereen.

Hoose ka akhriso qoraalka Wasaaradda Boostada Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa. Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON