Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub oo laga helay dad Soomaali ah oo baaritaan lagu sameeyay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ee goor dhow kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 9 qof oo cusub laga helay cudurka Coronavirus, waxayna 6 ka mida ahaayeen dad la sheegay inay xiriir la sameeyeen qof ka mida dadkii hore looga helay cudurka, waxayna dhammaantood ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, iyagoo aan dibadda u bixin.
9-ka xubnood ee maanta la xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus waxaa ka mida 2 qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka, iyadoo tirada shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee cudurka laga helay ay noqonayaan 4 xubnood.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Coronavirus (COVID-19)
- Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.
- 6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay
- Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)
- Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan
- Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda
- Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.
