Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya warbixin-maalmeedkeeda maanta ku shaaciyey xaaladda Corontavirus ee dalka, iyadoo caddeysay inuusan jirin kiis kale oo dalka laga helay marka laga reebo kiiskii koowaad.
Wasaaradda ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay su’aal muddo taagneyd oo ku saabsan dadkii ay diyaaradda wada-saarnaayeen qofka laga helay Coronavirus, waxayna qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay wasaaradda daba joogto, taasoo ah arrin dad badan cabsi ku heysa.
HOOS KA AKHRISO