Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay virus-ka dunida ku faafaya ee Corona ee ka dilaacay dalka Shiinaha, isagoo hadda uu gaaray 18 dal oo dunida ku yaalla.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay inay isha ku heyso, si dhowna ula socoto xaaldaha Coronavirus, isla markana ay xiriiro la leedahay dalalka deriska iyo Hay’adaha caafimaadka adduunka ee WHO, intii karaankeeda ahna ay diyaar garowday, iyadoo heegan la geliyey howlwadeenno loo tababaray arrimaha degdega ee noocan oo kale ah.
AKHRISO QORAALKA