Thursday, April 18, 2024

Wasiirkii ka baxsaday dowladda Soomaaliya ee C/rashiid Janan oo gaaray Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) uu gaaray magaalada Kismaayo.

C/rashiid Janan oo muddo 5 bilood ah u xirnaa dowladda Soomaaliya, laguna soo eedeeyay dembiyo kala duwan ayaa ka baxsaday Guri lagu hayey oo ku yaalla agagaarka xarunta weyn ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya (NISA) 28-kii Janaayo 2020-ka, sida ay shaacisay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen.

Maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyey in C/rashiid Janan uu si nabadgelyo ah ku gaaray magaalada Kismaayo, waxayn wararku sheegayaan inuu Doon ka raacay xeebta magaalada Muqdisho xilli habeenimo ah, kadibna Doon kale lagu wareejiyey uu sidaasi ku gaaray magaalada Kismaayo.

Ad

C/rashiid Janan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo, iyadoo la geeyay Guriga martida ee madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugan yahay, waxaana la sheegay inuu xiriir la sameeyay madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan Nairobi

Dad badan ayaa tuhunsan in baxsashada Wasiir Janan ay tahay arrin la qorsheeyay, ayna la baxsadeen ciidamadii ilaalada ka hayey, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax faahfaahin ah ka bixin qaabka uu u baxsaday Wasiirka oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho laga qabtay Bishii Ogost 2019.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON