Tuesday, June 24, 2025

Wasaaradda Caafimaadka: Tirada Guud ee Dadka Qaba Coronavirus ee Somaliya waxay gaartay 164

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay xaaladda Cudurka Coronavirus iyo 24-kii saac ee ugu danbeeyay wixii soo kordhay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 29 qof oo cusub laga helay cudurka, iyadoo aan la shaacin tirada dadka la baaray, waana markii ugu horeysay ee wasaaradu aanay sheegin ama qariso tirada dadka laga baray cudurka oo hore cabsi badan dadka ugu abuuray.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

19-April-2020: War-saxaafadeed: Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Cudurka COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan:

1. Tirada maanta laga helay cudurka COVID-19 waa Labaatan iyo Sagaal (29) qof, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 164 xaaladood.

Warbixin Kooban ee Maanta:

Tirada xaaladaha laga helay maanta: 29
Bogsashada maanta: 1
Bukaanada laga helay maanta – Lab: 21
Bukaanada laga helay maanta – Dhedig: 8
Tirada Guud: Tirada kiisaska guud: 164
Tirada dhimashada guud: 7
Tirada guud bogsashada: 3

2. Dhamman dadka la xaqiijiyay maanta in ay qabaan cudurka ayaa ah muwaadiniin Somaliyeed.

3. Waxaa bogsaday Hal (1) bukaan ka dib markii la xaqiijiyay in jirkiisa laga waayay jeermiska cudurka, taasi oo ka dhigeeso tirada guud oo ka caafimaaday cudurka Sadax (3) qofood.

4. Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.

5. Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karantiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON