Wasaaradda Awqaafa iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay amar ku saabsan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda oo uu saameyn ku yeesahay bandowga saaran caasimadda.
Kulan ay yeesheen Wasaaradda iyo Qaar ka mida culimada Muqdisho ayaa lag go’aamiyey n loo hoggaansanaado Bandowga dowladda ku soo rogtay magaalada Muqdisho ee bilaabanaya 7-da Fiidnimo, isla markaana salaadaha Cishaha iyo taraawiixda lagu tukado guryaha.
Go’aanada kasoo baxay wasaaradda waxaa ka mida:
1- In dadka ay u hoggaamsanaan amarka dowladda kasoo baxay ee Bandowga iyo Dhammaan amarrada kale ee dowladda.
2- In dadku aysan soocon 7-da Fiidnimo ilaa 5-ta subaxnimo ee aroortii oo guryahoodaha ku tukadaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda.