Sunday, March 26, 2023

Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliya oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka..?

Wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Federaalka ayaa soo saartay Amar ku socda Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Amarkan ayaa lagu faray Shirkadaha Isgaarsiinta inaysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana loo sheegay inay dambi tahay Shirkadii lagu helo in qalabkeeda lagu sameeyo ama sababaan arrintan.

“Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa inay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Wasaaradda u qaabilsan Arimaha Isgaarsiinta waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Ad

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa la sheegay inay xaq u leedahay inay baarto Shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu tuhmo inay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale. ” Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta kuwaas oo lagu bixiyo shatiga Spectrum, waxaa laga qaadaya Talaabo sharciga waafaqsan”.”

Amarkan ayaa soo baxay kadib shir ka dhacay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo looga hadlay xadgudubka ka dhacaya Shirkadaha Isgaarsiinta dhexdooda, waxaana Shirka ka qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir-kuxigeenka Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!