Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeerka Ajuurada adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada oo ah lacago laga qaado qareenada kiisadka Dacwadaha.
Kulan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayey Wasaaradda Maaliyadda ku shaacisay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada.
Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay inay Xeer-nidaamiyaha uu qeexayo khidmaddaha lagu dabaqayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo Lacagaha.
Wasiirka ayaa sheegay in hoos loo dhigay khidmada diiwaangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhigay $300 dollar, halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar.
Qareenada ayaa hore uga hor yimid Xeerkii uu so osaaray Wasiirkii hore ee Maaliyadda C/raxmaan Beyle, iyagoo sheegtay inuusan sharci ahaan awood u lahayn xeer noocaasi ah.
Hoos ka akhriso xeerkii Wasiir C/raxmaan Beyle