Thursday, March 28, 2024

Dagaal Qasaare dhaliyay oo ka dhacay Degmo ka tirsan Muqdisho iyo faahfaahinta

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal caawa maqribtii ka dhacay xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada iyo maleeshiyo uu watay Nin Goofleyda degaanka ka mida oo maamula Kaamam ku yaalla degmada Deyniile.

Wararka ayaa sheegaya inay dagaalka kala hoggaaminayeen Maxamed Cabdulle Jaloose (Madoobe) oo ah taliyaha Amnia Dayniile iyo C/ramaan Ajuuke oo maleeshiyo watay. Waxaa dagaalkaasi ku dhintay saddex qof, halka ku dhowad 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Ad

Waxaa lasoo weriyay inay dagaalka dhinteen Maxamed Iidle oo ahaa kuxigeenka taliyaha amniga Dayniile iyo nin kale oo lagu magacaabo Fuusto Guusto, waxaana ku dhaawacmay dad uu ku jiro guddoomiyihii Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile, Axmed Bacool iyo Cabdiraxmaan Ajuuke oo ahaa hoggaamiyaha kooxda maleeshiyada degaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON