Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyntii uga timid maamulka Hirshabeelle ee ahayd inay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle ee maamulkaasi.
“Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Maaliyadda.
Wasaaradda ayaa waxaa ku dooday inay diyaar yihiin 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda.
Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa maamulka Hirshabeelle ka dalbatay inay caddeyn u keento eedeynta lacagaha ay sheegtay in laga xayirtay.
