Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay lacag diiwaangelin oo maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay jaamacadaha ka dhisan magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii G/Banaadir uu xiriir la sameeyay Jaamacadaha ka dhisan magaalada, kana dalbaday inay iska diiwan geliyaan G/Banaadir, iyadoo laga rabo lacag dhan $1000 oo ah is-diiwaangelin, iyo inay Gobolka geeyaan qoraal iyo dokumentiga lahaanshaha Jaamacadda.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa Qoraal ay soo saartay ku sheegtay in tallaabada maamulka Gobolka Banadir qaaday ay tahay sharci darro, isla markaaana kasoo horjeedo Sharciga Waxbarashada Sare ee dalka, iyadoo ka dalbatay Maamulka G/banaadir inuu dib uga laabto arrintan.
Maamulka G/Banaadir ayaan weli jawaab ka bixin amarka kasoo baxay wasaaraddad Waxbarashada, waxaana arrintan soo rogay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo Jaamacadaha ku soo rogay diiwaan-gelin.