Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadka soo socda ee 2020-ka ku soo rogeysa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha iyo Dugsiyada dalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay wado dadaallo lagu xoojinayo tayadda Aqoonta Waxbarasho ee Jaamacada iyo dugsiyada dalka, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ku dhawaaqay Macalimtiinta Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka aysan shaqeyn doonin haddii aysan heysan Aqoonsiga Wasaaradda Waxbarashadda marka la gaaro Janaayo 2020.
Wasiirka ku xigeenka ayaa sidokale sheegay in hadda Wasaaradda ay wado qorshihii lagu diiwaan geli lahaa dhamaan Bareyaasha wax ka dhiga xarumaha waxbarasho ee dalka oo bilaaban doonta 25-ka bishan Oktoobar 2019, lana soo gabagabenayo Disembar 2019, si loo siiyo aqoonsiga, kadibna la sharciyeyn doono.
Sanadkan ayay Wasaaradda Waxbrashada kusoo rogtay dugsiyada dalka inay dhaqan geliyaan Manhajka cusub ee Dugsiyada Hoose, Dhexe, iyadoo weli qaar ka mida dugsiyada ay ka cago jiidayaan.