Friday, June 27, 2025

Wasaarado aan la fileyn oo lagu soo darayo xukuumadda cusub [Muuqaalka Golaha Wasiirada cusub]

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa qaatay go’aan aan la fileyn oo ah inay kordhiyaan tirada wasaaradaha iyo wasiirada.

Arrintan oo dowladda cusub looga digay ayaa la sheegay inay ka fursan waayeen kadib awood qeybsi iyo isqabsi weyn ooka jira beelaha iyo maamulada dalka, waxaana la sheegay in golaha lagu soo kordhinayo wasaarado hor leh.

Wasaarada cusub ee lagu soo darayo xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ka mida:

1- Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta
2- Wasaaradda Hub dhigista iyo dhaqan celinta
3- Wasaaradda Bii’ada iyo ka hortagga musiibooyinka

Wasaaradahan ayaa muddooyinkan danbe laga maarmay iyadoo dowladihii KMG ahaa ay ugu danbeysay, waxaana dib u soo celintooda marqaati u tahay culeyska heysa madaxda sare ee dowladda oo looga fadhigay xukuumad tiro yar oo tayo leh.

Muuqaalka Golaha Wasiirada cusub ayaa eg dowlad salbalaaran oo Golaha wasiirada ay tiradoodu ka badan doono 60, marka la eego qaabka awood qeybsiga soo shaac baxay.

Dowladii Xasan Sheekh ayaa rikoor u dhigtay yareynta Golaha wasiirada Soomaaliya kadib markii Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu dhisay Gole ka kooban 10 wasiir oo kaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON