Sunday, June 22, 2025

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo jawaab kulul u diray taliyihii is-casilay ee Booliska Dhuusamareb

Wasiirka magacaaban ee Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay taliyaha xilka iska casilay ee ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb Burhaan Axmed Rooble.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu soo diray ku sheegay in Galmudug ay ku jirto Gudcur waagu u bari rabo, wuxuuna si ku eedeeyay Taliyaha is-casilay inuusan aqoonsaneyn maamulka Galmudug, isagoo u yaqaan inay yihiin Alshabaab.

“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida..Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka.” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi.

Ad

Wuxuu kaloo sheegay inaan sharciga loo qaloocin karin wixii aad aaminsanayd intii aadan askariga noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo.

Taliye Burhaan ayaa hore uga tirsanaa Xoogagii Ahlu suna, iyadoo warar kala duwan sheegayaan inuu xiriir la lahaa madaxdii ururkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON