Wasiirada aan ku cusbneyn xukuumadda cusub ee Soomaaliya waxaa ka mida C/raxmaan Ducaale Beyle oo loo dhiibay xilka ugu wanaagsan dowladda oo ah Wasaaradda Maaliyadda.
Xilkan oo beel weyn ay calmatay isla markaana ka mida kuwa lagu xisaabtamo wuxuu wasiir Beyle la wareegay maalmo ka hor, isagoo maantana Baarlamaanka hor geeyay Miisaaniyadda dowladda 9-ka bilood ee ka hartay sanadkan 2017.
Wasiir Beyle wuxuu digniin ka helay Ra’iisal wasaaraha soo magacaabay oo caddaan ah ugu sheegay inuu toddobaad waliba la xisaabtami doono iyo inay ku jihaadi doonaan Musuqmaasuqa, sidaas ayuu isaguna uga mid noqday dowladda dagaalka u caddeysatay musuqa la degay dowladihii Soomaaliya.
Inkastoo C/raxmaan Ducaale Beyle yahay aqoonyahan cilmi sare u leh arrimaha dhaqaalaha, kana soo shaqeeyay hay’ado uu ka mid yahay Bankiga horumarinta Afrika, haddana tijaabadii hore ee wasiirnimo ma ahayn mid wanaagsan oo lagu bartay inuu ka maran yahay musuqa uu sheegay inuu la dagaalamayo.
Intii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda wuxuu ku kacay falal ay saxaafadu diiwaan gelisay oo loo daliishan karo inuusan la socon karin dowladda Farmaajo iyo Kheyre, waxaana uu ku lug yeeshay falal musuq ah sida is-xambaar [Akhri Warkan] iyo ku takrifal deeqdii qabaleynta Wasaaradii Arrimaha dibadda ee ka heshay dalka Aljeeriya.
Si kastaba ha ahaatee Wasiir Beyle waxaa la arki doonaa sida uu ballan qaaday inuu ka dhabeeyo la-dagaalanka musuqmaasuqa hantida umadda iyo inay ku rumoobi doonto oraahdii ahayd “BAHAL CEERIINKA MA DAAYO..” oo markaasi ay qaban doonto seefta kacaanka Farmaajo kana dhigi doonta wasiirkii ugu horeeyay ee la xiro.
Farmaajo iyo Kheyre waxay oo mashruucooda ugu weyn ka dhigay la-dagaalanka musuqmaasuqa, waxaa la ogaan doonnaa halka ay ka gaarsiisan tahay hal-ku-dhigyada: NABAD IYO NOLOL ee ay umadda u sheegeen.
FAALLADA GOOBJOOGE.COM
FADEEXAD CULUS: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ku lug yeeshey fadeexad is-xanbaar ah