Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beeshiisa.
Kursiga koowaad ee Beesha Samaroon ayuu ku guuleystay siyaasigan doorasho ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Beyle waxaa la tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib, laakiin wuxuu ku guuleystay 48 cod, halka Abiib uu helay 2 cod oo qura, waxaana xumaaday hal cod.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo cadeeyay in Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gadabuursi ee degta Gobolada Waqooyi, gaar ahaan magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay Bankiga Horumarinta Africa ee uu hore uga shaqeyn jiray, wuxuuna curiyay heesta SOOMAALIYA WAA MASHRUUC.