Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka daba tegay muuqaal uu baahiyey shalay oo ah nuqulka lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabacayo, isago sheegay inaysan ahayn mid la isku raacay.
Wasiirka ayaa sheegay in nuqulkii uu soo bandhigay uu yahay mid ka mida muuqaallo ay suuragal tahay in mustaqbalka ay soo daabacdo dowladda Soomaaliya, balse aanu ahayn nuqul kama dambeys ah oo la ansixiyey, wuxuuna dadka ugu yeeray inaan la degdegin.
Farriin uu Wasiir Beyle soo dhigay bartiisa ayuu ku yiri: “Waxaan caddeeyay intii aan shalay jeedinayay warbixinta billaah in nuqulka lacagta la soo bandhigay ay tahay mid ka mida naqshadaha ay suuragalka tahay in lacagteena mustaqbalka ay noqoto, balse aanay ahayn kama dambeys. Nuqulka ugu danbeeya waxaa soo saari doona Bankiga Dhexe ee Soomaaliya marka wadatashiga uu dhammaado. dhammaanteen waan ku faraxsanahay howshan, balse inaan la degdegin..”.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyey muuqaalada lacagta cusub, iyadoo dadka intiisa badan ay ka digeen in lacagtaasi la soo daabaco, iyadoo ku doodaya inay dhalin doonto sicir barar iyo lambarka ku qoran lacagta oo aad u badan wa sarif ahna aan lahayn.
SAWIRRO: Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Muuqaalka Lacagta Cusub ee Dalka loo soo daabacayo