Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Beyle oo War kasoo saaray Arrin laga faafiyey oo ku saabsan OLNF iyo Qalbi-dhagax

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay inuu diiday in ururka ONLF laga saaro liiska argagxisada, kadib shirkii manta Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka.

“Waxaan arkay warar lagu faafiyey Facebook oo la leeyahay Beyle ayaa diiday in ONLF laga saaro liiska Argagixisada, arrintaasi been waaye, waan beeninayaa, mana dhcii karto.” ayuu yiri Wasiir Beyle oo muuqala soo duubay.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii ay wax uga dhaceen Golaha wasiirada, isagoo yiri: “Arrinta meesha ku jirta wax weeye, sida aad ogtihiin marka wax laga doodayo waxaa jira ajenda, arrintan ajendaha shirka kuma jirin ee waxaa la keenay markii la gaaray ‘Wixii kale ‘Other business’ markaa arrintaas fikradeyda aanka hadlay waxay ahayd in ajende laga dhigo oo maqaamkeeda la siiyo, sharafna loo yeelo.. Ma suuroobeyso aniga C/raxmaan Beyle ahaan inaan walaallahey ONLF aan argagxisio ku tilmaamo, mana dhici karto, waxaan ku suntanahay Soomaalida inaan wanaageeda jeclahay”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa iska fogeeyay in ujeedka doodiisa ay ahayd inuu hor istaago qaraarka, balse uu soo jeediyey in ejande weyn laga dhigay, sida uu ku dooday, balse si khalad ah looga faafiyey mowqifkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON