Monday, June 23, 2025

Wasiir Beyle: “Suugaantan waxay ku socotaa ‘Soomaali bi’is-ka Calooshiisa u shaqeysta!’ (Akhriso)

Wasiirka Maaaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo dhinaca kale ah ka mida dadka suugaanta wax ku darsada ee hal-abuurka leh ayaa gabay ku weeraray dad uu ku tilmaamay ‘Soomaali bi’is calooshooda u shaqeysta’ sida uu yiri.

“Suugaantani wax ay ku socotaa Somaali biiska, calooshiisa keliya u shaqaysta, ka joog haadii la yidhaahdo, qabiil la soo booda. Haddii aad qofkaas tahay, adeer na sii daa! Wakhtigaasi waa gebegebo. Geeddiga ku soo daran!! Yaan lagaa tegin!

Maxaan Qarayohow anigu, maxaan keli qaban karaa!

Ad

Intay kala qaybi tahay
Intay qulqullaasi tahay
Intay qoqobaysantahay
Intuu nimbba qoobaddiisa
kayntiisa ku qooqanyahay
Dantiisa u qoolanyahay
Qudhiisa ku hawllanyahay

Intuu qalqalayte joogo
Intuu wax qalloocsanaayo
Gabood-fal qiyaasanaayo
Qaboonada iyo caweyska
Qantuugada cuuranaayo
Qar iyo buur saaranyayhay
Dad kii ugu qaab xuniyo
Qabiilkuna wehel u yahay
Maxaa hawl naga qabya ah

Qamuunyada ciilku keenay
Bal aan kula qaybsadee
Maxaan qaranyohow anigu
Maxaan keli qaban karaa?
Maxaan wada qaban karnaa? 
Maxaan isla qaban karnaa?

- Advertisement -

Qaskaan berigii abuurnnay
Qaaciisu intuu baxaayo
Quwaaxiyo aaleheennu
Intuu yahay wada Qadhaadh
Sidaan lixdankii u qaatay
Hankayga sidaan qorshaystay
Waxaan quwaddayda saaray
Haddii laga joogo quus
Qarddoofadu joogto tahay

Intay qarad oommantahay
Intay bilan qaawantahay
Rugteedu qalaalantahay
Qaxootigu hiigsi yahay
Intay shimbbiraha qadhaabka
Dadkaygu la qaybsdaan
Qaraamaad loo kaltamay
Intay ku qamaamayaan
Quudkooduna caydha yahay 8 38

Qamuunyadan ciilku keenay
Sas iyo dalacsaan qabaa e
Qiyaasta sidaas u taalla
Intii ani ila qabtaaye
Wallee qosol nooma yaalle
Maxaad ila qaban kartaan?
Maxaad isla qaban kartaan?
Maxaan wada qaban karnna?
Dalkeennan u wanan karnnaa?

Dr. Abdirahman Beileh

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON