Monday, June 23, 2025

Wasiir C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay Xilka cusub ee looga magacaabay maamulka G/Banaadir

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee xilka sii hayaoo  hadda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee Guddoomiyaha Gobolka.

Wasiir Yariisow oo ka qeybgelayay munaasabad lagu xusay maalinta saxaafadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu madaxda uga mahadnaqayo xilka cusub ee ay u magacaabeen ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay inuu xilkan maamulka Gobolka i wanaagsan uga soo bixi doono, isagoo sheegay inuu la soo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee dowladda iyo bulshada, isla markaana ka shaqeyn doono wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda.

Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa ayuu uga mahadceliyay sida ay kalsoonida u siiyeen uguna aamineen inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidoo kalena ah duqa Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON