Thursday, July 3, 2025

Wasiir Caan ka ah Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu fara-xumeeyay Haweeney Ingiriis ah & Dacwad ku socota

Wasiir ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo eedeeyay fadeexad ah inuu fara-xumeeyay haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo Imaaraadka u tagtay abaabulka iyo qabanqaabda bandhig buugaag oo ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka Dulqaadka Imaaraadka Sheekh Nahyan Bin Mubaarak Al-Nahyan oo ka mida madaxda ugu awooda iyo lacagta badan ee Imaaraadka ayaa laga soo xigtay haweeney lagu magacaabo Caitlin McNamara inuu Gurigiisa ku cusuumay, kadibna uu fara-xumeyn kula kacay.

Wargeyska Sunday Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray warbixintan fadeexadda ah iyo dacwad ay furatay haweeneydan Caitlin McNamara oo 32 sano jir ah, iyadoo sheegtay inay dhibane u tahay faraxumeyn aad u culus oo uga timid Wasiirka Dulqaadka Imaaraadka Nahyan bin Mubaarak Al Nahyan oo 69 sano jir ah.

Caitlin McNamara waxay sheegtay inuu casho ugu yeeray wasiirka, balse markii Gaarigii uu u soo diray ay raacday la geeyay guri isaga u gaara, isagoo ku jira xaalad aan caadi ahayn, isla markaana ay la yaabtay inuu ugu yeray inay Khamro isla cabaan, isgo muslim ah, kadibna uu bilaabay inuu jirkeeda taa-taabto, markii ay iska diidayna uu awood u adeegsaday.

Waxay intaas ku dartay inuu ugu yeray inay eegaan Qarsigiisa, markii isla raceen Wiish Dahabi aha uu si awood lah derbiga ug nabay, kadibna faraxumeyn weyn kula kacay.

Arrintan ayaa waxaa si weyn faafiyey Warbaahinta Ingiriiska iyo kuwa caalamka, iyadoo dacwad ka furatay Boolsika, isla markaana u gudbisay farriimo ay is dhaafsadeen Wasiirka iyo wixii ku dhacay.

Qareeno difaacaya Wasiirka Imaaraadka ayaa sheegay inaysan waba ka jirin arrinta lagu soo eeeeyay Wasiir Nahaan Mubaarak Aala Nahyaan, wax la yaab lehna ku noqotay, warka ay faafisay haweeneydaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON